Sawirro: Hay’ad caalami ah oo xisbiga UPD ee Xasan Sheekh taageero siineysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyniii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay hay’ad caalami ah oo gacan siin donta xisbigan.

Qoraal kasoo baxay xisbiga oo kulankan lagu faah-faahiyey, hoos ka aqriso.

Waxaa Maanta xarunta dhexe ee xisbiga UPD ka dhacay kulan ay wada yeesheen hogaanka xisbiga iyo madaxa Barnaamijka ee hey’ad la yiraahdo International Republican Institute (IRI) ee u qaabilsan Soomaaliya Mr. Bojan Ristic.

Hey’adda IRI oo ka shaqaysa arimaha tababaridda asxsaabta siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta iyo xisbiga UPD oo ka mid ah xisbiyada qaran ee waaweyn ayaa kulankooda diiradda ku saaray “qaabka loo tayayn xisbiyada siyaasadda Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo tababaridda iyo hawlaha dimuqraadiyaynta ay waddo hey’adda IRI”

Guddoomiyaha xisbga UPD ayaa xafiiskiisa ku Soo dhoweeyey madaxda IRI, ugana mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee Xisbiga UPD, kana warbixiyey aragtida ee ku aadan dalka iyo Hawlaha socda, sidoo kale madaxa hey’adda IRI ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyey hawlaha ay qabtaan iyo sida looga faa’ideysan karo.

Madaxda xisbiga UPD iyo hey’adda IRI ayaa isla tilmamay baahida loo qabo waqtiga hadda la joogo tayaynta iyo kobcinta aqoonta xisbinnimo ee xubanaha xisbiyadda iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Ugu danbaynna waxaa labada dhinac ay ku ballameen wada shaqeyn la xiriirta Hawlaha sare ku xusan.

Aan mar kale mudnaanta siinno MAANDEEQ
NABAD & HORUMAR