Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka sameeyay dhoolatus u muuqday mid ay kusoo bandhigayeen cududdooda ciidan ee ka jooga Soomaaliya.
Munaasabadda dhoolatuskan ayaa lagu sheegay mid lagu xusayo “Guusha Adwa, iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika.”
Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyo kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika.
Guusha Adwa ee Itoobiyaanku u dabaal-dagayaan waxay ahayd mid taariikhi ah oo Itoobiya ku xoreysatay madax-bannaanideeda, kana adkaatay gumeystihii Talyaaniga. Tan ayaa la sheegay inay dhiirrigelisay dhaq-dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika.
Marka laga yimaado munaasabadda dabaal-degga, cududda ciidan ee maanta Itoobiya kusoo bandhigtay Baydhabo waxay muujinaysaa sida ay ugu xooggan tahay joogitaankeeda gudaha dalka, iyadoo dhawaan dib ugu biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM.
Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xifaaltanka hoose ee dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu ku kala furtay xiisadda Webiga Niilka.
Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ka mid ah ciidamada cusub ee qeyb ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika, ee haatan loo yaqaan AUSSOM.