Sawirro: Jubaland oo ciidan badan gaysay Ceel-waaq

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta ciidamo hor leh ka dejiyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasi oo loo soo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ee markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo Garbahaarey.

Ciidamada la geeyay Ceelwaaq ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Cismaan, waxayna qeyb ka noqon doonaan sugida amniga magaaladaas oo ay ka dhaceyso doorashada.

Inkasta oo aan loo ogeyn tirada rasmiga ah ee ciidamada halkaas laga dejiyay, hase yeeshe waxay ka kooban yihiin Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan, waxaana si gaar ah u xoojin doonaan amniga goobta lagu dooranayo xildhibaanada.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xiisad xoogan ka taagan tahay gobolka Gedo, islamarkaana ay dhinacyo is-diidan abaabulayaan doorashada 16 kursi.

Guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT) ayaa dhawaan Garbahaarey ka wareejisay doorashada 16-ka kursi ee halkaas ku asteysna, ayada oo u wareejisay Ceelwaaq, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen garabka taabacsan Farmaajo ee gacanta ku haya maamulka Garbahaarey.

Sidoo kale waxa uu guddiga FEIT goor sii horeysay beeniyay jadwal kasoo baxay garabka Garbahaarey, kaasi oo sheegaya in 24 illaa 25-ka Bishaan ay dhaceyso doorashada kuraastaas.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada ku wargelinaynaa inaysan warqaddani ahayn mid ka soo baxday Guddiga FEIT. Waqtiga xasaasiga ah ee dhammeystirka doorashada awgeed, dad baa ka faa’iideysanaya inay bulshada ku marin habaabiyaan warar been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu beeniyay waraaqdaas.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Go’aanada rasmiga ah ee Guddiga waa kuwa lagu daabaco baraha bulshada ee guddiga, wixii ka soo hara waa waxba kama jiraan fadlan ka digtoonaada.”