Faah-faahin: Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku bilaawday qarax xoog leh oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeebta Liido, kaas oo weli socda.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay gaari ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Hotel Rescatore oo ah Hotel cusub oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu ku jiray Hotelka la weeraray, balse laga soo badbaadiyey.

Afhayeenka XFS Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo dhigay wuxuu ku yiri, Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan.”

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda lama xaqiiji karo.

Dad dhaawacyo ah ayaa laga soo saaray Hotelka, waxaana socota soo badbaadinta dadka gudaha ku jira, waxaana gudaha ka dagaalamaya rag hubeysan oo gudaha u galay Hotelka.

Dad ku sugan Liido ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay dhaceyso rasaas xoog leh, waxaana kala cararay xeebta Liido oo dad aad u badan oo ku caweynayeen.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah.