Sawirro: Laftagareen oo Baydhaba tababar ugu soo xiray ciidan qeyb ka noqonaya…

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Daraawiishta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo mudo tababar ku qaadanayey magaaladda Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidanka Kumaandooska Daraawiishta ee tababarka loo soo xiray ayaa noqoneysa dufcadii toddobaad ee ka baxda dugsiga, ayada oo tiradoodu tahay ku dhawaaad 300 askari.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidankaan ayaa waxa uu sheegay in uu ka rajeeynayo in ay wax badan ka qabtaan amniga deegaannada Koofur Galbeed, oo qeybo kamid ah gacanta ugu jiraan kooxda Al-Shabaab.

Lafta-gareen ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in shaqada ugu horeysa ee laga doonaya ciidankaan ay tahay isku furidda deegaannada Baay iyo Bakool, “Waxaa rajeeynaya in waajibaadkii, shaqadii iyo rejadii laga lahaa kuwii fuliya inay noqdaan ciidankaan.”

“Dagaal ayaa diyaar u nahay, dalka in la xoreeyo ayaa nalaga rabaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa ugu dambeyntiina ugu mahad-celiyay saraakiisha tababarka siisay ciidanka Kumaandooska Daraawiishta dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna ku amaanay doorkii ay ka qaateen soo saarista ciidankaan.

Ciidanka maanta loo soo xiray tababarka ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoreynta deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay qeybo dhowr ah kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.