Daawo: Guddi uu Farmaajo ka mid yahay oo lagu eedeeyey dagaalka LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe oo maanta shir ja’aarid u qabtay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in hurinta dagaalka ay ka dambeeyaan gacmo kale oo saddexaad isaga oo ku eedeeyay guddi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan dibad joog ah.

Guddoomiyaha ayaa ku dooday in Farmaajo uu doonayo in la burburiyo Somaliland, isla-markaana uu isagu dhigay qorshaha dagaalka haatan ka socda Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay in Somaliland laga saaro khariidada, si loo baabi’iyo ama guud ahaan loo tir tiro, sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshahani waa qorshe la doonayo in Somaliland lagaga saaro khariidada, qorshahan waxa ka shaqeeyay Ina Farmaajo shantii sanno ee uu Xamar ku amar ku taaglaynayay, qorshani wuxuu leeyahay guddi sare oo isir ku salaysan, oo 21 ah oo G21 la yidhaa,” ayuu yiri  Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in guddigaas ay ku jiraan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arle, Cabdiwali Gaas, siyaasiga reer Kenya Faarax Macalin iyo kuwa kale.

Dhinaca kale wuxuu taageero iyo garab istaag u muujiyay ciidamada Somaliland, isaga oo ku faanay in taariikhada aan Somaliland dagaal looga adkaanin.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan reer Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada Somailand.

“Waa inaynu gacmaha is qabsanaa ciidamadeedan u gurmanaa geesiyada ah oo aan weligood taariikhda laga adkaanin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Laascaanood, inastoo oo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.