Dagaal xoogan oo saaka mar kale ka qarxay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa ka bilowday duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in xaafadaha magaalada Laascaanood ay kusoo dhacayaan madaafiic ay soo tuurayaan ciidamada Somaliland, inkasta oo aan lasoo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay illaa hadda.

Dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya oo colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha, ayaa waxaa durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan u dhaqan-galin si rasmi ah.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii ay Laascaanood soo gaareen ciidamo gurmad u ah kuwa SSC oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan, kuwaasi oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC ee hore ugu sugnaa furimaha dagaalka ee duleedka magaalada.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online