DF Soomaaliya oo digniin culus u dirtay dalal shisheeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamo shisheeye oo ay sheegtay inay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa waxa lagu wargeliyay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka.

“Wasaaradda waxay caddeynaysaa in dhamaan maraakiibtaasi ay sharci darro ku soo galeen biyaha Soomaaliya kuna kalluumaysanayeen islamarkaana aysan jirin wax ruqsad kalluumeysi ah oo ay ka haystaan dowladda federaalka Soomaaliya.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay fartay maraakiibtaas oo aysan shaacin dalalka laga leeyahay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.”

“Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah waxay caddaynaysaa in muddooyinkii la soo dhaafay ay ururinaysay xogo ku saabsan maraakiib kalluumeysi oo laga leeyahay wadamo shisheeye ay xadgudub kalluumeysi ku hayeen biyaha badaha Soomaaliya. Maraakiibtaas oo illaa bishii Janaayo ku jiray biyaha dalka iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayey biyaha Soomaaliya.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaan caddeynaynaa in aanay sharci ahayn waxa loogu yeero endorsement letter laguna xalaaleysan karin in biyaha badaha dalkeena looga kalluumeysto.”

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa sheegtay in bixinta rusqadaha kalluumeysiga maraakiibta qalaad ay tahay awood dastuuri ah oo heer federaal, oo uu bixin karo oo kaliya wasiirka wasaaradda kalluumeysiga dowladda federaalka.

“Sida ku cad, qoddobada 11-aad, 12-aad, 13-add ee sharciga kalluumeysiga Soomaaliya, bixinta rusqadaha kalluumeysiga maraakiibta qalaad waa awood dastuuri ah oo heer federaal ah. Wasaaraddu waxay leedahay habraacyo iyo xeerar qeexaya shuruudaha, heshiisyada iyo hanaanka sharciga ah ee bixinta rusqadaha kalluumeysiga qalaad.”

#image_title