Somaliland oo war kasoo saartay dagaalkii maanta iyo ‘ujeeddada laga lahaa’

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu deganaa jawiga magaalada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in fadhiisimaha ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen kooxo iskugu jira nabad-diid, argagixiso iyo Puntland, islamarkaana ay iska difaaceen ciidamadeedu.

“Kooxaha huwanta ah ee sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaa oo ah mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Somaliland.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.”

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ujeedka dagaalkii maanta iyo weerarka ay sheegtay in lagu soo qaaday uu yahay sidii loo wiiqi lahaa dadaalada nabadeed ee socda, taasi oo lagu rabo in xal looga gaaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

“Xukuumadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood.”

Waxay ku eedeysay ciidamada deegaanka iyo kooxaha kale ay sheegtay inay qeybta ka yihiin weerarkii saaka in aysan ogolayn in shacabka magaalada Laascaanood nabad helaan.

Dagaalka saaka oo ka bilowday duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, ayaa waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac ah.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya oo colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha, ayaa waxaa durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan u dhaqan-galin si rasmi ah.