Saciid Deni oo war kasoo saaray fara-gelinta Ethiopia ee dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay fara-gelinta dowladda federaalka Itoobiya ee dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan.

Saciid Deni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaallada ay wado Itoobiya, oo ayadu wafdi usoo dirtay arrinta magaalada Laascaanood, si ay u waan-waan uga dhex bilaabaan labada dhinac.

“Waxaa uga mahad-celinaya dadaalka dowladda Itoobiya wado ee ku raadineyso dhex-dhexaadinta iyo xal oo ugu muhiimsan tahay in xabada laga daayo deegaanada iyo dadka nabdoon, la burburin isbitaallada, la waxyeelin guryaha deegaanka oo la baabi’in masaajidada, xad-gudubka keeni kara colaada sokeeye iyo isnaca in la joojiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi ay kula xisaabtami doonaan masuuliyada burburinta gobolka Sool iyo weerarada aan loo meel-dayin ee ku qaaday, sida uu sheegay.

“Waxaa garowsanahay in dadka reer Somaliland aysan isku waafaqin in Sool la burburiyo ama la garaaco, laakiin maamulka Muuse Biixi masuuliyadiisa waa kula xisaabtami doona waqtiga iyo madasha ay ku haboon tahay.”

Waxa uu sheegay in codkiisa uu ku biirinayo baaqyada waxgaradka Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah oo ah in xabada la joojiyo iyo burburka oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado.

“Waxaa rabaa in codkeyga ku biiriyo codka waxgaradka Soomaaliyaad, midka gobolka, midka caalamiga ah iyo midka QM ee Golihiisa Ammaanka Qaranka uu soo saaray oo ah in xabada la joojiyo oo haddii wax lagu kala duwan yahay la wada-hadlo, intaas ayuu mowqifka dowladda yahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Puntland uusan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda Itoobiya ayaa colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha.