Sawirro: Madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Marka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka waxa ay ku soo qabteen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Hawlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Sarkaalka hawlgalka lagu soo qabtay uu yahay Aweys Mayow Maxamed (Eelaay), Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Magaalada Marka.

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sheegay in hoyga ninkaasi laga soo helay bambada nooca gacanta laga tuuro iyo miino, tan dhulka lagu aaso ah.

Taliyaha ayaa ninkaasi ku eedeeyay in xilligii gacanta lagu soo dhigayay uu ku howlanaa miino uu doonayay in uu ku aaso magaalada gudaheeda, uuna qorshihiisu ahaa in uu ku gumaado shacabka, sida uu yiri. Baaritaano ay ku sameeyeen hoygiisa ayuu sheegay inay ugu suurtagashay in qaraxyadaasi ay gacanta ku soo dhigaan.

Shabaabka ayaan ka hadlin Sarkaalka la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa ee lagu qabtay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.