Xog: Sidee noqon doonaa waayaha cusub ee Farmaajo, maxaase laga filayaa?

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynihii laga adkaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa asbuucaan kasoo dhamaanaya xarunta Villa Somalia halkaas oo uu daganaa shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabanaya halkii laga saaray shan sano ka hor ee Villa Somalia isagoo si sharci ah loo doortay 15-kii bishaan

Farmaajo ayaa billaabay inuu usoo guuro guri ku yaalla bartamaha waddada isku xirta KM4 iyo garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay sidoo kale siyaasiyiin badan dagan yihiin.

Guriga uu Farmaajo usoo guurayo waxaa daganaa bishii ugu dambeysay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay iyaguna gurigaasi markii hore kireeyeen si loogu qabto howlo la xiriira ololaha dib u doorashada.

Taageerayaasha Farmaajo waxa guul u arkaan inuu Farmaajo guri kiro ah ka dagayo magaalada Muqdisho xilli uu shan sano talada hayey, taasoo xoojineysa cinwaanka ay isku sifeeyaan ee ammaanada.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu markii uu sal dhigto kadib inuu maro dhaarta sharciga ah ee xildhibaanimada maadaama uu noqonayo xildhibaan aan waligiis dhicin oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa labada nin ee heysata darajada xildhibaanka aan dhicin ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha laga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen inuu dhawaan la hadli doono jamaahiirtiisa oo weli sida muuqata qaadan la’a guuldaradii 15-kii May.

Nolol cusub oo mucaaradnimo ah ayaa u billaabaneysa Farmaajo.

Sida la sheegay, wuxuu qorsheenayaa in isaga iyo saaxiibadii xisbi ku dhawaaqaan, laakiin waqtiga weli lama go’aamin.

Qaar kamid ah kooxda Farmaajo ayaa qaba in muddo dib loo dhigo ku dhawaaqista xisbiga oo la qiimeeyo sida u uu dhaqaaqo nidaamka cusub ee Xasan Sheekh iyo dadka bannaanka soo istaagi doona markii ay danahooda ka waayaan nidaamka dhawaan curtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xasuustaa inuu kal hore ka faa’ideystay siyaasiyiin badan oo nidaamkii Farmaajo albaabada ka xirtay, taasoo xoojisay xisbigii uu furay illaa uu ugu dambeyn kusoo laabtay Villa Somalia.

Mar kale, Farmaajo iyo kooxdiisa waxay sugayaan dad badan oo nidaamka cusub kasoo carooda. Markii uu dago sida madaxweynayaashii hore Farmaajo isna waxaa la filayaa inuu banaanka aado in muddo ah oo uu waqti kooban siiyo maamulka cusub, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Jamaahiirta Farmaajo taageersan oo xoogooda weli muuqdo ayaa sugaya kalmadda hoggamiyahooda ee ku aadan waayaha cusub ee u billaabanaya kooxda iyo waxa la gudboon marxaladaan.