Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo ballan qaad culus ka sameeyey XUDUR

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Xudur ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmadaasi.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah oo ku aadan xaaladaha nololeed ee ka jira magaalad Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen ayaa waxgaradka iyo maamulka degmada u ballan qaaday in maamulkiisa uu bilaabayo qorshe go’doonka looga qaadayo magaaladaasi.

Sidoo kale madaweynaha ayaa ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si wadajir looga hortago dagaalyahanada kooxdaasi.

“Madaxweynaha Koofur Galbeed & qaybaha Bulshada waxa ay isla meel dhigeen fulinta iskaashiga lagu wajahayo cadawga, malaaqyada, dhallinyarada, haweenka & dhinacyo kale oo kulanka ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in Madaxweynaha ay ku garab istaagaan fulinta ballanqaadka uu u sameeyay,” ayuu yiri guddoomiyaha Xuddur.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shacabka ku dhaqan degmada Xudur ay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay degmadaasi, iyada oo haatan sare u kac xoogan  laga dareemayo maciishada.