Somaliland ooo shaacisay xilliya ay doorashooyinkii muranka dhaliyay dhacayaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey Warqad ay ku cayimeen xilliga ay u qorsheeyeen inay ku qabtaan doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaannada, taasi oo ay u muddeeyen 31/05/2021.

Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyagu maanta si wada-jir ah usoo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka u cayimeen inay qabsooman doorashooyinkaas, waxayna farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada.

Kulan wada-jir ah oo ay la qaateen madaxweyne Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa, Saylici ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi-qaran shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Qodax ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaata qaranka iyo Komishanka qaranku.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Jirde ayaa isaguna baaq u diray golaha guurtida, si looga baaqsado in doorashada ay dib uga dhacdo xiligeeda, kadib markii laga heshiiyey murankii baahsana ee ka taagna.

“Maadaama oo maanta aannu dadku diyaar u ahayn doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxannu go’aansannay guurtida inaannu ka dalbanno inay is waafajiyaan maalinta uu komishanku qabtay iyo maalinta ay cayimaan, cid Allaale iyo ciddii gacan ka geysatay diiwaan-gelinta, haddii ay komishanka tahay, haddii ay xukuumadda tahay, haddii ay odayaasha dhaqanka tahay iyo haddii axsaabta qaranka tahayba aad iyo aad baannu u bogaadinaynaa,” ayuu yiri.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xarriiqay inay axsaab ahaan ku wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka qaranku u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda.

“Waxa ay xisbiyada qaranku isla qaateen inay si midaysan u taageeraan soo jeedinta ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinku, waxa kale oo ay soo jeedinayaan si qaran ahaan aynu u midaysnaanno, dib-u-dhac dambena aanu innagu iman, maadaama oo ay guurtidu hore muddada u kordhisay, in guurtida, xukuumadda iyo xisbiyaduba ka wada hawl-galaan si la isu waafajiyo muddadii hore ee guurtidu tilmaantay iyo muddada imika komishanku soo jeediyeen” ayuu yiri Wasiir Kaahin.