Mahad Salaad iyo wasiiro ka shiray qorshe muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsanayay sidii looga hortagi lahaa dhaqaalaha ay argagixisado ka hesho gudaha dalka.

Shirkaan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida; Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka wasiirrada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Taliyaha NISA.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur oo shir-guddoomiyay shirkaan ayaa sheegay inay dhinacyada si adag uga wada-hadleen in si wadajri ah looga wada-shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalahood looga difaaci lahaa argagixisada.

Shirkan ayaa daba socda kulan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Guddiga Qaran ee la-dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero argagaxisada (AML/CFT), kaasi oo labo maalin ka hor ka dhacay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa faray Guddigaan in la dardar-geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hay’ada la-dagaalanka khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo ay ku dooneyso inay meesha uga saarto lacagaha ay argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ka qaado Ganacsatada, ayada oo mamnuucday in wax dhaqaale ah la siiyo.