Sweden oo Soomaaliya ka taageereysa qorshaha NDP-9

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene) ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Per Lindgarde.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Istaraatiijiyadda Sweden ay ku taageerayso Soomaaliya, islamarkaana la waafajiyo qorshaha horumarinta Qaranka NDP-9.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen in mashaariicda kala duwan ee dalka lagu taageero lagu saleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaliya.

“Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qorsheynayso sidii loo amba-qaadi lahaa howlaha kala duwan ee hadda socda,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Is-fahamkaan cusub ee ay gaareen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Danjiraga dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doona dardar-galinta iyo nidaaminta mashaariicda labada dhinac.

Dowladda Sweden oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale dowladda Sweden ayaa ka qeyb qaadata gurmadka Abaaraha.