Maxaa ka cusub safarka Mahad Salaad ee Itoobiya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo weli ku sugan caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta maamulka xogaha sirdoonka ee IMEDA.

Mahad Salaad ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban xaruntan oo ah halka lagala socda xogaha sirdoonka ee dalka Itoobiya, waxaana xarunta kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta hay’addaasi.

Sidoo kale taliyaha NISA iyo wafdigiisa ayaa warbixin laga siiyey sida ay u shaqeyso xarunta IMEDA iyo doorka ay ku leedahay sugidda nabad geliyada ee dalkaasi.

Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa sii joogi doono magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Itoobiya oo casuumay.

Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal.

Safarkaan ayaa ku soo aaday maalmo uun kadib markii uu magaalada Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya oo la kulmay hoggaanka sare taliska Nabad Sugidda.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Madaxda labada dowladood ayaa horey u ballan-qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin.