Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Sheekh Aadan Sunne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo khudbad ka jeediyey shir ay qabatay kooxda Al-Shabaab, isaga oo weerar qaawan ku qaaday dowladda federalka Soomaaliya oo kordhisay dagaalka Al-Shabaab.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in argagixiye uu yahay Sheekh Aadan Sunne, islamarkaana uu doonayo inuu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

“Wadaadkan argagixiyaha ah ee dhowr bilood kahor usoo goostey in uu qeyb ka qaato xasuuqa shacabka, waxaa la yaab lahayd asagoo isqalqaloocinaya hadalada qadafka ah ee uu ku hadlayey, ee uu rabo in uu marmarsiiyo uga dhigto xasuuqa shacabkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wadaadka uu Al-Shabaab ku biiray, xilli ay xaaladda ku xun tahay, islamarkaana ay kordheen cadaadiska haatan lagu haayo.

“Aadan Sunne waxaa muuqata in xisaabtu ay ka qaldantay oo uu kooxda Khawaarijta u soo goostey mar kooxda xaalku uu ku sii xun yahay oo ay il-geeriyaad leeyihiin!” ayuu raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka uu Sheekh Aadan Sunne ugu biiray Al-Shabaab ay tahay inuu qabto hoggaanka kooxda maadaama xanuunsan-yahay buu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah.

“Waxaa ka sii daran markii la sheegey in uu madaxtinimada kooxda Khawaarijta soo raadsaday maadaama kii heystay uu xanuun la ildaran yahay,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey.