Sawirro: Xasan oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay maalmaha uu joogi doono

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Yemane Meskel ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay garoonka diyaaradaha Asmara uu kusoo dhoweeyey madaxweyne Isaias Afwerki, wuxuuna intaas ku daray inuu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah. 

Madaxtooyada ayaa ujeedka safarkan ku sheegtay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh mudnaan ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Eritrea Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. 

Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaas ka qeyb-galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidamada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan, wuxuuna dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday in askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea oo gaaraya illaa 5,000 uu si deg deg ah dalka ugu soo celin doono, balse kama dhabeyn ballan-qaadkaas illaa hadda.

Toddobaadkii tegay, Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen.