Mareykanka oo shaaciyey tirada askarta Ruushka looga dilay Ukraine illaa hadda

New York (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa sheegay in “in ka badan” 100,000 oo askari oo Russian ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka bishii sagaalaad galay ee ka socda dalka Ukraine.

General Milley ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ciidan Ukraine “sidoo kale laga yaabo inuu la egyahay” kan Ruushka, halka khasaraaha shacabka Ukraine uu yahay 40,000 oo dhimasho.

“Waxaa jira xaddi aad u weyn oo silac ah, silac bani’aadannimo,” ayuu Jeneral Milley u sheegay Naadiga Dhaqaalaha New York.

Milley ayaa sheegay in go’aanka Ruushka ee ah inuu dib uga guranayo magaalada Kherson, oo ah caasimad goboleed ku taalla koonfurta Ukraine oo uu qabsaday billowgii dagaalka, iyo billowga xilliga qaboobaha oo dagaalka uu hakan doono, ay fursad u tahay labada dal inay wadaxaajood furaan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadii sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Ruushka oo lagu dhameynayo dagaalka, balse kaliya haddii Ruushka ay soo celinayaan dhammaan dhulka Ukraine ee ay haystaan, ayna magdhow ka bixinayaan khasaaraha dagaalka, islamarkaana wajahaan dacwad dambiyo dagaal.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal, wuxuuna toddobaadkan ku dhowaaqay inuu billaabay inuu dib uga gurto Kherson.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka digay in Ruushka ay iska dhigayaan kuwa ka baxaya Kherson, si ay usoo geliyaan ciidamada Ukraine dagaal daba dheeraada oo ka dhaca magaaladan muhiimka ah oo loo maro jasiirad u yaalka Crimea oo Ruushka uu haysto.

Milley, oo ah sarkaalka militari ee ugu sarreeya Mareykanka, ayaa sheegay in Ruushka ay qiyaastii 20,000 illaa 30,000 oo askari ku ururiyeen Kherson, islamarkaana dib u gurasho buuxda ay qaadan karto toddobaadyo.

“Tilmaamaha horudhaca ah waxay yihiin inay dhab ahaantii sidaas sameynayaan. Si shaacsan ayey ugu dhowaaqeen inay sameynayaan. Waxaan aaminsanahay inay sameynayaan si ay xariiq difaac uga sameystaan koonfurta webiga Dnieper, balse waan arki doonnaa,” ayuu yiri.

General Milley waxa uu sheegay inay suurtagal tahay in Ruushka ay dib u gurashadan u sameynayaan si ay mar kale ciidankooda ugu diyaariyaan weerar dhaca gu’ga, balse “waxaa sidoo kale halkan ka jirta fursad, fursad lagu wadahadlo.”

Hase yeeshee si wadahadallada ay fursad u yeeshaan, waa in Ruushka iyo Ukraine “ay si isku mid ah u garowsadaan” in guul militari “aan lagu gaari karin habab militari, sidaas darteedna aad u baahan tahay inaad u weecato habab kale,” ayuu yiri Milley isaga oo tusaale usoo qaatay dhammaadka Dagaalkii Koowaad.

VOA, AP