Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka XASAN Sheekh iyo William RUTO ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku tegay dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan diirada ku saareen arrimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, daris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Kenya Mr. Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kaasi oo wejigiisa koowaad laga gaaray guullo wax ku ool, inkasta oo gaabis uu ku yimid bilihii dambe.

Ruto ayaa waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu cirib-tirayo argagaxisada gobolka, oo sidoo kale khatar ku ah waddanka uu ka taliyo oo mararka qaar ay ka geystaan falal amni darro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isaga oo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo, maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Al-Shabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.