Dowladda oo war culus ka soo saartay dagaal maanta Al-Shabaab lagu laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal lagu laayey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Baarsanguuni oo hoos taga degmada Jamaame.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war ay ku sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta ay kooxda la galeen dagaal lagu dilay 27 Shabaab ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in nolosha lagu qabtay ugu yaraan shan Khawaarij ah, kuwaas oo qaarkood dhaawac yihiin.

“Ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Khawaarijtu ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.”

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga Khawaarijta ah ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka, sida lagu sheegay warka dowladda.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta XFS ayaa ugu dambeyntii lagu yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baarsanguuni, balse ayagii ayaa lagu laayey halkaas, waxaana la soo bandhigay meydadkooda.