Sawirro: Maxuu Rooble kala hadlay Xasan Sheekh markii uu ugu tegay hooygiisa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah u taagan xilka madaxtinimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankoodii galabta uga wada-hadlay xaaladda ee siyaasadda dalka, si gaar ah waxay diiradda u saareen arrimaha doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhawaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankaan uu Ra’iisul wasaaruhu hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aaday iyadoo Rooble uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu safar Cumro ah u aaday Boqortoyada Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay kulamo la xiriira sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada uu ku doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. Waxuuna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u balan qaaday inuu wax kasta la fududeyn doono.

Wixii ka dambeeyey markii uu Madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadda doorashooyinka ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa dhowr mar fagaare ka sheegay in si dhab ah ay ula shaqeyb doonaan Rooble hadii uu ka soo baxayo waajibaadkiisa.