Sawirro: Muuse Biixi oo booqday Abwaan Hadraawi oo xanuunsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay Hargeysa waxa uu ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo waayihii dambe iska xanuunsanaa.

Abwaan Hadraawi oo ugu horeeya Abwaannada Soomaaliyeed ee nool kuwooda ugu caansan ayuu maanta Madaxweyne Muuse Bixii ku booqday guriga uu ka degyahay magaalada Hargeysa, isagoo ugu duceeyey inuu Alle xanuunka ka dul-qaado, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa booqashada Abwaanka kadib socdaal ku maray goobo u badan hoteello oo ku yaalla magaalada Hargeysa halkaas oo ay u damaashaad tageen qaar badan oo ka mid bulshada ku nool caasimadda Somaliland.