28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Sawirro shaki badan abuuray oo laga soo qaaday madasha ay ku shireen CC iyo beesha Xawaadle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta uu shirka uga socdo Xubnaha ka socda Xukuumada Somalia ee uu hogaaminaayo Ra’isul wasaaraha dalka iyo Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa waxaa ka dhex muuqda Calanka Dowlada Ethiopia oo shaki baaxad weyn galiyay shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku nool deegaanada ka baxsan Gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xarunta uu kulanka ka dhacay ay tahay tan Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan, halka warar kaasi ka duwana ay sheegayaan in shirka uu ka dhacay Madaxtooyada maamulka balse qadar yar un ka hor shirkaasi maamulka lagu amray in Calanka Ethiopia ay ku dhajiyaan barta uu ka furmaayo shirka.

Calanka Ethiopia ayaa lagu hardhay goobta uu madasha shirka ka socday ka fadhiisanaayay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, waxa ayna taasi iminka noqotay hadal heynta ugu badan ee taagan.

Dadku waxa ay is weydiinayaan sababta ka danbeysa in Dowlada Ethiopia ay maskaxda ka gumeysato madaxda Soomaalida islamarkaana goob waliba loogu dhajiyo Calankooda!
Yaab 2

Yaab 3

Yaab1

Yaab4

- Advertisement -

Read more

Local News