Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka waftiga Qatar ee maanta yimid Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar charity oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa xusay in xukuumadiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalkaan soo kabashada ku jira.

Sidoo kale Xamsa Barre ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka inta aysan xaaladdu ka sii darin.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed tag ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.