Sawirro: Muxuu yahay qorshaha safarka Mahad Salaad ee Addis Ababa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafti uu hoggaaminayo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya.

Wafdiga Mahad Salaad waxaa halkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, wuxuuna safarkaan ku soo aaday maalmo kadib markii uu Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya.

Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa maalmaha soo socda ku sugnaa doona magaalada Addis Ababa, kadib markii casuumaad uu ka helay dhiggiisa wadanka Itoobiya.

Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Madaxda labada dowladood ayaa horay u balan qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin.