Sawirro: Qatar oo billowday burburinta mid kamid ah garoomadii Koobka Adduunka

Doha (Caasimada Online) – Garoonka 974 oo kamid ahaa garoomadii lagu ciyaarayey Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa la bilaabay burburintiisa kadib markii ay dhamaadeen qeybtii uu garoonkaas ku lahaa tartanka socda.

Garoonka oo lagu dhisay 974 Konteenar oo ah kuwa shixnadaha lagu raro ayaa waxaa lagu qabtay 7 kulan oo kamid ahaa ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda dalkaasi Qatar.

Shaqaalaha ayaa bilaabay inay kala furfuraan garoonka ku-meel-gaarka ah ee 974, ayada oo Ingineerada ay ku hagayaan sidii ay u kala qaadi lahaayeen garoonkaasi oo ku yaalla aagga Ras Abu Aboud ee magaalada Doxa.

Waxaa xusid mudan in garoonka 974 ee furfuridiisa la bilaabay uu wato lambarka furaha telefoonka ee dalka Qatar.

Garoonkaan oo qaadayey 40 kun oo qof ayaa ciyaartii ugu dambeysay marti-geliyey waxay dhex-martay Brazil iyo South Korea habeenkii Isniinta, taasi oo kusoo idlaatay 4-1.

Koobka Adduunka ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, iyada oo sideed waddan ay iskugu soo hareen wareega 6 dhamaadka oo bilaaban doona.

Dalka Uruguay ayaa qorsheynaya inay dib u dhisato garoonkaan, iyada oo raaceysa qaab dhismeedkiisii ​​hore si uu uga mid noqdo garoomada marti-gelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2030-ka.