Sawirro: Qoddobada looga hadlay kulanka Muuse Biixi iyo wafdiga Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Madaxweyne Biixi ayaa uga mahad-celiyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland, isagoona u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu madaxweyne Biixi ku sifeeyay booqashada Jeneral Stephen inay tahay horumar muhiim ah oo laga sameeyay xiriirka labada dhinac.

“Booqashada Jeneral Stephen Townsend waxay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac,” ayuu yiri.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan.”

Waxay dhankooda si wada-jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

“Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Wafdiga ayaa intii booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxay booqasho ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba.

Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa la fahamsan yahay inay daba socoto booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Maraykanka bishii March, 2022 iyo sahankii Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku yimaadeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.