Sawirro: Shariif oo ololihiisa xoojiyay saacadihii tegay iyo tallaabooyin uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u tartamaya mar kale hoggaanka dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay magaalada Muqdisho inuu xoojiyay ololahiisa dib u doorasho.

Shariif ayaa xalay hoygiisa ku booqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad u kala fogaayeen maadaama Lafta-gareen uu u ololeynayay madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Cabdicasiis Lafta-gareen ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka madaxweynaha, isagoona ugu mahad celiyay kaalintiisii doorashooyinka dalka.

Shariifka ayaa intaa raaciyay in isaga iyo Lafta-gareen ay isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay in si wada jir ah looga shaqeeyo in doorashada si nabad ah u idlaato.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu ka codsaday Lafta-gareen inuu qeyb ka qaato sidii dalka isbadal ugu dhici lahaa, si loo badalo madaxweynaha xafiiska sii haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Shariifka ayaa la kulmay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo ka wada hadlay gabagabada doorashada oo maalinta 15-ka May ay dhici doonto tan madaxweynaha dalka.

Sheekh Shariif ayaa kala hadlay Cali Guudlaawe siidii doorashada ugu gacan siin lahaa inuu ku guuleysto, iyadoo dhinaca Cali Guudlaawe ay u badan tahay inuu taageero Shariifka, oo ay isku jufo yihiin

Lafta-gareen ayaa la ogsoon yahay inuu aad ugu dhow dhowaa madaxweyne Farmaajo, isaga oo horey u taageeray muddo kororsigii fashilmay, balse wuxuu hadda ka fakarayaa musharax labaad, haddii Farmaajo looga adkaado wareegga koowaad ee doorashada.Â