Sawirro: Rooble oo casuumay xildhibaanadii Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxameed Xuseen Rooble ayaa xalay casuumaad casho ah u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaasoo dhawaan loo aqoonsaday inay yihiin kuwa sharciga ah ee Jubbaland ku matalaya golaha shacabka.

Rooble ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada 16-ka ah ee laga soo doortay Ceelwaaq, isagoona ku booriyay inay dalkooda si daacad ah ugu shaqeeyaan.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi in ay ka qeyb qaataan ka shaqeynta iyo in isbadal dalku galo si loo doorto madaxweyne cusub oo dalka ku hoggaamin kara hufnaan iyo tallo wadaag.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay u taageerayay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq, halka madaxweyne Farmaajo uu taageersanaa kuwa lagu soo doortay Garbahaareey balse baarlamaanka buriyay sheegashada sharci ahaanshaha xildhibaanadaasi, taas badalkeedna waxaa aqoonsiga xildhibaano la siiyay kuwa Ceelwaaq.

Rooble ayaa ansixinta xildhibaanada Ceelwaaq u arka guulweyn oo uu ka gaaray dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, oo 8-dii May go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo, ayaa u aqoonsaday xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah ee matalaya gobolkaas. 

Guddoonka ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigay markii uu arkay in xildhibaanadda lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaa,l islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.