Sawirro: R/W ku xigeenka dalka oo ka dagay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caaismada Galmudug oo lagu soo dhaweeyay.

Saalax ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Xirsi Gani, Lataliyaha Amniga Ra’iisul wasaaraha Mudane Kamaal Gutaale iyo Mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintan ayaa  waxaa garoonka Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo madax kale,kadibna waxaa loo soo galbiyay gudaha magaalada, gaar ahaan qasriga madaxtooyada.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah inay qayb ka noqdaan gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo lale waxa ay kulamo kala duwan la qadan doonaa Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Horay waxaa magaaladan booqasho ugu tegay guddoomiyeyaasha labada Gole ee baarlamaanka, kuwaas oo madaxweynaha kula soo kulmay xafiiskiisa KMG ah, ayagoo kala soo hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee laga gaaray.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya kacdoon weyn oo iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka, kaas oo uu jeedkiisu yahay in looga adkaayo Al-Shabaab.