Sawirro: R/W XAMZA oo 5 arrin deg deg ah hordhigay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.

Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.