Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay xarun muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan, taas oo muhiim ah la dagaallanka Shabaab.

Munaasabadda lagu daah-furayay xaruntan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale.

Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu daah-furayaya xaruntaan ayaa shaaca ka qaaday in la wiiqay awooddii kooxda Al-Shabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha ay uga been sheegayaan diinteenna suubban.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale usoo jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabisay Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-Shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda.

Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan oo dhowaan lasoo kordhiyay ayaa waxaa agaasime looga dhigay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horay usoo noqday wasiirka amniga gudaha iyo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada huwanta Soomaaliya.