Sawirro: R/W Xamza oo laba arrin kala hadlay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdi Barre ayaa maanta kula la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre iyo xubno ka tirsan safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamza oo qaabilay xubnahaan ka socda Mareykanka ee uu horkacayey Larry Andre ayaa kala hadlay laba arrin, sida xoojinta xiriirta labada dala iyo taageerada ay dowladda Mareykanka siiso ciidamada Soomaaliya ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ka mahad-naqay taageerada dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalaha iyo ciidamada, maadaama ay qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale shaaciyey in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wada shaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga gudu ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa wada kulamo uu la yeenayo xubnaha Beesha Caalamka, wuxuuna shalay la shiray danjiraha dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchoa iyo sidoo kale ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan oo uu kala hadlay teegaarada dowladda cusub & sidii horey loo sii wadi lahaa.

Si kastaba, Xamza ayaa haatan laga sugayaa inuu ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyada oo kadib loo horgeyn doono xubnaha Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.