R/W Xamza oo qoraal kasoo saaray qaraxii Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Jowhar.

Qaraxa ismiidaaminta ahaa oo lagu qaaday Hoteelka Nuur Doob ee magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay 14 kale, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha in lagu bartilmaamedsaday hotelka oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Sida ay innoo xaqiijiyeen dad mas’uuliyiin ah, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka Haweenka, waxaana la tilmaamay in mas’uuliiintaan ay soo gaareen dhaawacyo fud fud.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sii sheegay in ra’iisulwasaaraha uu qadka taleefanka uu kula hadlay Madaxweyne Guudlaawe kaas oo uga warbixiyay xaaladda “Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay”.

Magaalada Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo intooda badan ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab.