XOG: Laba arrin oo SABAB u ah dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaan weli soo dhisin Golaha Wasiirada Xukuumadda cusub ee laga sugayo, isagoo magacaaban in ka badan muddo bil ah.

Xamza ayaa waxaa la magacaabay 15 June 2022 muddo bil ah kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xilka la wareegay 28 June, kadib markii uu kalsoonida Baarlamaanka Federaalka helay 25-kii June 2022.

Dhismaha Golaha Wasiirada ayaa ah shaqada ugu adag ee Ra’iisal wasaare uu qabto, waxaana inta badan qaadataa toddobaad ilaa Bil, laakiin Xamza Cabdi Barre ayaa la sheegay inay heystaan laba caqabad oo ku saabsan magacaabidda Golihii ugu horeeyay ee wasiirada.

Arrinta koowaad ayaa ah qeybinta xilalka wasiirada mudnaanta leh ee loo yaqaan ‘A’, gaar ahaan Beesha Daarood oo uu Ra’iisal wasaaraha saami qeybsi ahaan kasoo jeedo. Wasiirada ka imaanaya labada beelood ee Majeerteen iyo Mareexaan ayaa u baahan isu-dheelitir, kadib markii uu xilka ugu weyn beeshaasi qaadatay beesha Ogaadeen oo aan weligeed xilkaas ka qaban Soomaaliya. 

Caqabadda labaad ayaa ee heysta Ra’iisal Wasaaraha ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu doonayo inuu soo xulo inta badan Golaha Wasiirada, waxaana is waafajin u baahan rabitaanka Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal wasaaraha oo xilalka qaar ku kala dywan.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diyaariyey liiska inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada, kana soo xushay xubno uu si shaqsi ah ugu kalsoon yahay, waxaana aad u yar saameynta Ra’iisal wasaaraha, iyadoo safarro badan oo uu galay Madaxweynaha ay keeneen inay yaraadaan is-aragyadii labada mas’uul ay ku dhammeystiri lahaayeen is waafajinta labada liis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay dhacdo 20 ilaa 25-ka bishan July 2022, iyadoo magacaabidda kadib la filayo inay dhashaan xildhibaanno mucaarad ah oo iska waayey liiska Golaha cusub ee Wasiirada.

Xigasho: Goobjooge