Sawirro: Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dhinac, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta.

Safiirka ayaa waxa uu Somaliland ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska.

Waxaana madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankan maanta Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com