Sawirro: Shacabka Sh/dhexe oo laba sano kadib la soo baxay hubkooda + Sababta

Raage Ceelle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in mar kale gobolkaasi uu ka curtay kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ay labo sano kadib dib ula soo baxeen hubkooda, si ay u dagaal galaan.

Raage Ceelle ayaa kamid ah degmooyinka waaweyn ee ay shacabka hubkooda lasoo baxeen, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen abaabul xooggan oo ay uga hortagayaan soo laba kacleynta maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sawirro laga soo qaaday deegaanka ayaa muujinaya dhalinyarada iyo odayaasha oo qaatay hubkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaallada looga hortagayo kooxaha Khawaarijta.

Shacabkan usoo istaagay inay iska difaacaan Al-Shabaab ayaa waxaa garab istaagaya saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee gobolka jooga, kuwaas oo ku dhiirrigeliyay halganka ay dib u bilaabeen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ciidamada deegaanka ee is-abaabulay in ay u baxaan goobaha xiisadda ka jirta, iyaga oo garab istaagaya ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kacdoonka cusub ee ka curtay Shabeellaha Dhexe ayaa ka dambeeyay, kadib markii toddobaadkii hore ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib u qabsadaan deegaannadii horay looga xoreeyay, sida Ceel Cali Axmed, Alkowsar iyo Biyo-Cadde, waxaase ka hor istaagay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Shabeellaha Dhexe waxaa haatan soo gaaray ciidamadii ugu badnaa oo ka yimid illaa gobollada dhexe, si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay furinta hore, si looga hortago qorshaha cusub ee Al-Shabaab iyo soo laba kacleyntooda HirShabeelle.