Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar + Ujeedka

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan HirShabelle, maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku soo dhoweeyey garoonka Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, lamana oga sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed.