ROOBLE oo hal arrin oo uga digay Golahiisa Wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga digay golahiisa wasiirada iney ku kacaan musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed mudada ay xilka hayaan.

Eng Rooble ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay sii dar-dar galineyso qorshayayaasha kasoo horjeeda musuqa xilli uu booqday saddex xarun oo muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu booqday Bangiga dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda magaalada Muqdisho wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda iyo maamulka hay’adahaan iyagoo ku sugan goobtooda shaqada.

Wuxuu ka dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ugu adeegaan shacabka iyo hufnaanta maaliyadeed oo ay adeegyada ku fuliyaan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhowridda amaanada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isagoo dul istaagay iney muhiim aheyd tallaabooyinkii ay dowladda qaaday oo xubno ka tirsan xukuumadii hore loogu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

Kormeerka Maxamed Xuseen Rooble wuxuu salka ku hayay inuu dar-daaran siiyo maamulka ilaha dhaqaalaha dalka iyadoo wadanka uu ku jiro kala guur, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay iney dar-dar galiyaan hawlahooda iyadoo dhaqaalaha uu hoos u dhigay xanuunka Covid19 oo dunida dhibaato weyn kusoo kordhiyay.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaan iney dalka dhaafiso marxaladaan kala guurka ah kana shaqeyso arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sidoo kale waxyaabaha aas-aasiga ah ee looga gudbi karo marxaladaan.