Sawirro: Shirka Brussels oo goordhow ku furmay qaab ka duwan sidii hore (Aqri)_

Brussels (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay ka qeybgelayaan Madax ka socota Somalia iyo Beesha Caalamka.

Shirkan oo soconaya muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha amaanka,Dhaqaalaha,Siyaaasadda iyo horurmarka ay sameysay Dowladda Federaalka ah.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Europe ayaa wadajir u shirguddoominaya kulanka maanta.