Xog ku saabsan sababtii ay wafdiga maamulka J/Land uga baxeen shirka Brussels

Bresels  (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Bresels ee Wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi ay shirkii isaga baxeyn.

Xubnaha Wafdiga Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa waxaa la sheegay in daqiiqadihii u dambeeyey ee furitaanka shirkaas ay ka baxeyn,iyaga oo ka cabanaya in isbedel lagu sameeyey ajandayaasha shirka.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Jubbaland ayaa go’aasaday in aysan ka qeyb gelin, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka.

Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe.

Madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hoolka ku jira oo shirka ka qeyb galaya.

Wararkii u dambeeyey ee haatan Bresels naga soo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in uu socdo qorsho lagu xalinayo madaxda Jubbaland si ay shirkaasi uga qeyb galaan,waxana arrintaana ay kusoo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Jubbaland taas oo ka dhalatay Magacaabistii taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Bresels
Caasimada@live.com