Sawirro: Shirka Kismaayo kadib Shariif Xasan oo ku laabtay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay dib ugu laabtay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qeyb ka ahaa shirka Kismaayo.

Boqolal ka tirsan dadka shacabka ah ee Magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay Hogaamiyaha kuwaas oo gudaha u galay Garoonka.

Soo dhaweynta Shariif Xasan oo ka duwaneyd kuwii hore ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, waxa ayna soo dhaweynta ceynkaasi ah la xiriirtaa go’aanka kasoo baxay shirka Kismaayo.

Shariif Xasan ayaa Magaalada Kismaayo wuxuu kaga soo qayb galey Shirkii Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya kaasi oo socoday muddo Afar maalin ah.

Ma’suuliyiinta Garoonka ku soo dhaweysay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiiro, Xildhibaano Odayaal Iyo Bulshada Magaalada Baydhabo.

Dadka ka qeybqaadanayay soo dhaweynta oo u ekaa kuwo maalmo un ka hor lasii uruuriyay ayaa ku qeyla dhaaminayay magaca Shariif Xasan iyo erayo lagu muujinaayay taageerida qodobada shirka.

Shariif Xasan oo maslaxadiisa ka dhex arkay qodobada shirka ayaa sheegay in shirka uu ka soo baxay go,aano wanagsan oo ay wada qaateen madaxda Maamul Goboledyada.