Somaliland oo la wareegtay haamaha shidaalka Berbera

Berbera (Caasimadda Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta la wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka ee Magaalada Berbera,halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka taagnaa muran u dhaxeeyay dowladda iyo Ganacsatada.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin.,waxaa ay xukuumaddu la wareegtay Haamaha Keydka shidaalka iyada oo goobta ay kula wareegeysayna loo diiday warbaahinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda ay xoog kula wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka oo bilihii la soo dhaafay ismaandhaaf ka taagnaa.

Guddoomiyaha Sharikadda BOG ee maamusha Haamaha shidaalka Berbera Cali kooshin ayaa beeniyay in ay wareejiyeen Haamaha,taas oo caddeyn u ah in uu wali jiro khilaaf u dhaxeeya labada dhinac.

Ganacsatada ayaa dalbanaya in loo celiyo lagacihii kaga baxay dayactirka Haamaha Keydka SHidaalka haddiiba ay ku wareejiyanayaan dowladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu dhawaan soo saaray wareegto ay dowladda kula wareegeyso Haamaha keydka shidaalka.

Muranka u dhaxeeya Ganacsatada iyo Xukuumadda ayaa sababay sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka,kaas oo hadda halkii LIiter marayo $1 Doollar,waxaana cidda dhibeysaana tahay dadka Rayidka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
Caasimada@live.com