“Galmudug kama mid ah maamulada xiriirka u jaray DF, go’aankeena maaha”

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ee G/Galgaduud ayaa si kulul uga hadlay war-muriyeed kasoo baxay shirka madaxda maamul Goboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo si gaara uga hadlay qodobada kasoo baxay shirka ayaa sheegay in Madaxda maamulada ay yihiin kuwo aan dantooda aqoon.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, waxa uu arrin aad u fool-xun ku tilmaamay qodobada qaar ee kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo waxa uuna aad u dhaliilay qodobka ah in maamul goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii.

Waxa uu sheegay in maamul Goboleedyada shiray ay ilaawen in dowlada Dhexe ee dalka ay maamul ahaan hoostagan, isagoo cadeeyay inaysan awood u laheyn inay hakiyan wada shaqeynta kala dhaxeysay dowladda.

Waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe xiriirka aysan u jari doonin maamulka Galmudug,isla markaana tilmaamay in madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ay ku fashilmeen shirkooda.

“Hadii shirka Kismaayo lagu gaaray in la hakiyo xiriirka dowlada Dhexe, waxaanu cadeynayaa in Galmudug aysan kamid noqon doonin maamulada xiriirka ka jaran doona dowlada”

“Madaxda maamulada iyagaa loo taliyaa cidna uma taliyaan waxaan u cadeynayaa inay ku fashilmeen qodobada kasoo baxay shirkooda”

Sidoo kale, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, ayaa sheegay in khilaafka u dhexeya madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug loo baahan yahay in xalintooda loo daayo madaxda Galmudug.

Maamulada kale, ayuu sheegay inaanu waxba ka khuseyn khilaafka waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay mudan tahay in laga fiirsado danaha gaarka ah oo Isbaheysiga ay ku wataan Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.

Dhinaca kale,Carabey waxa uu maamulada ugu baaqay in ay xiliyaan khilaafka ka jira deegaanadooda xal u helaan halka ay ku mashquuli lahaaye arrimaha dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com