FARMAAJO oo Geelle kula hadlay khadka taleefanka

Muqdisho (Caasimad Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku wadahadlay khadka taleefanka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Geelle ayaa dhigiisa Somalia uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti.

Geelle, waxa uu dhigiisa Somalia Maxamed Cdullahi Farmaajo ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa isna dhigiisa Jabouti uga mahadceliyey qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Somalia, Ethiopia iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida.

Si kastaba, Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah.

Caasimad Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com