Sawirro: Dal kale oo Yurub ah oo baasaboorka dalka Soomaaliya aqoonsaday

Copenhagen (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark, kadib martiqaad uga yimid dowladda Denmark waxayna la kulmeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Socdaalka, iyo Xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey Amniga, Socdaalka, Baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatey iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah, waxaana xiga doona midka caadiga ah.

Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii sidoo kale dalka Norway uu si buuxda u aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Copenhagen
Caasimada@live.com