29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Shiv Kumara oo si fool-xumo badan Sanka uga jaray Xaaskiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Gabadhaani oo lagu magacaabo Raj Kumari kana soo jeeda dalka India ayaa waxaa Sanka ka jaray ninkii qabay kadib markii ay isku dhaceen lamaanaha.

Raj Kumari oo ah 21 jir ayaa qoyska ninka qaba ka dalbatay in wiilkooda looga qaado madaxeeda, balse waxa ay qoyska wiilka inantaani ku xujeeyen inay bixiso lacago shardi looga dhigay oo aysan bixinteeda awoodin.

Raj Kumari oo aad uga niyad xun shardigaasi ayaa xoojisay khilaafkii kala dhexeeyay ninkeeda waxa uuna ugu danbeyntii ku dhiiraday inuu sanka ka jaro.

Shuruudaha kale ee lagu xiray Raj Kumari ayaa waxaa kamid ahaa inay bixiso lacagtaasi qaaliga ah iyo in Mooto nooca qaaliga ah ay u iibiso seygeeda si uu u furo balse weydiiday.

Shiv Kumara oo ah ninkii qabay gabadhaani ayaa waxaa hadda la dhigay xabsi si uu u bixiyo magta Gabadha maadaama Sanka laga jaray.

1

2

3

- Advertisement -

Read more

Local News