30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Puntland oo ku faantay in ay Taariikh lama ilaaban ah u dhigtay Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa goordhow ka hadlay dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeysey Galmudug in weerarka ay kusoo qaaday difaaca Ciidamada Puntland sidaana uu dagaalka ku bilowday.

Dagaalka ayaa ka dhacay ugu yaraan saddex aag, waxaana wararkii u danbeeyey sheegayaan in ciidamada Puntland la wareegeen fariisimihii ciidamada Galmudug uga soo duuleen.

Puntland waxa ay sheegtay in dagaalka maanta uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, isla markaa uu ka dhashay khasaaro lixaad leh.

Puntland waxa ay ku faantay inay burburisay isla markaana ay la wareegtay fariisimo dhowr ah, waxa ayna sidoo kale guul ka sheegatay dagaalka maanta.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalka ay ku dishay ciidamo farabadan oo Galmudug ah, isla markaana ay ku qabsatay gaadiid dagaal.

Ciidanka Galmudug ayaa hadda ku sugan dhanka Bari ee Magaalada Gaalkacyo, taas oo ka fog meel ay magaalada uga soo ridi karaan Hoobiyaasha, waxaana ay isaga soo baxeen dhamaan dhanka Galbeed ee laamiga oo hadda ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inka badan 13 ruux oo ay ku jiraan Ciidamada labada dhinac kala taabacsan, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 20 Qof.

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa wada dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News